AKHRISO:Wasaaradda arrimaha gudaha P/land oo shaacisay wakhtiga la dhisayo gollayaasha deegaanka

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa galabta shaacisay wakhtiga la qabanayo doorashada golaha degaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Warqad ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu sheegay in 28/05/2019 la qaban doono,  doorashada golaha degaanka degmada Badhan eegobolka Sanaag.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay nabaddoonada, waxgaradka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee ay khusayso in ay ka hor 27/05/2019 diyaariyaan xulista xildhibaannada golaha degaanka , si ay 28/05/2019 u doortan guddoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Badhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*