
Baahin Shaqo
Jagada: Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada
U warbixinaya: Xoghaya Dowladda Hoose
Khibradda: 7 + Sano shaqo la xiriirta arimaha bulshada, bini-aadantinimada
Heerka waxbarasho: Shahaadada kawaad ee jaaamacadeed oo ah Culuumta Bulshada
I.W.M.
Hordhac
Dowladda Hoose ee Garowe waxay ku dhisantahay dastuurka dowladda Puntland.
Waxayna ku shaqaysaa xeerka maamulka gobolada, degmooyinka iyo dhismaha
golayaasha deegaanka degmooyinka dawladda Puntland.
Dowladda Hoose ee Garowe waxay masuul ka tahay siinta adeegyada loo igmaday ee
dadka ku dhaqan deegaanka xuduudeeda ah, adegyadaas oo ay jaangooyeen golaha
deegaanka ama ka yimid dowladda dhexe ee Puntland.
Waxaa kamid ah kuwa ugu waaweyn qorshaynta iyo naqshadaynta magaalada, arimaha
bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah, howlaha guud, ilaalinta deegaanka
waxaa sidoo kale soo raaca hormarinta iyo dhiirigalinta beeraha, xoolaha, ganacsiga,
warshadaha, dalxiiska iyo duurjoogta, iyo adeegyada kale ee bulshada.
Ujeedka Shaqada
Sargaalkaan wuxuu noqonayaa agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee dowladda
hoose ee Garowe.
JAANGOYNTA IYO QEEXIDA SHAQO
- Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay Ilaalinta nadaafadda, fayo dhawrka,
bilicsanaanta iyo quruxda degmada - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay horumarinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Degmada.
- Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay horumarinta fanka, ciyaaraha, suugaanta,
hiddaha iyo dhaqanka. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay noolaynta shacaa’iirta islaamiga ah,
waddaniga iyo kuwa caalamiga ah. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay daryeelka faya-dhawrka guud iyo ka
hortagga cuduradda faafa. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay daad-guraynta iyo u gargaarka dadweynaha
haddii aafo dhacdo. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay daryeelka iyo xanaanaynta dadka dan yarta
ah. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay habsami u socodka , kormeeridda iyo
dayactirka dugsiyada aasaasiga ah, kuwa quraanka iyo daryeelka Masaajidyada. - Daryeelka iyo ka warqabka xarumaha xanaanada hooyada iyo dhalaanka
- Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay habaynta, qorshaynta, hubinta iyo isku dheeli
tirka baahida goobaha Biyaha “Kiosks” iyo waxqabadkooda. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay maamulidda iyo kormeerka la xiriira
horumarinta miyiga. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay habaynta hawlaha aasidda iyo qabuuraha.
- Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay qorshaha kaltanka rugaha caafimaadka iyo
farmasiyayaasha Iyo heegan galintooda. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay la socodka isticmaalka dhaqan-galka
daawooyinka iyo cuntada qasaacadaysan iyo la socodka mudada isticmaalka. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay casriyeynta suuqyada dalagyada wadaniga ah
iyo dhiirigalinta cuniddooda. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay Ilaalinta anshaxa, wacyi galinta iyo
taakulaynta dadka tabaalaysan. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay la socodka qiimaha badeecadaha iyo ilaalinta
maceeshada quutal daruuriga ah. - Agaasimuhu wuxuu masuul ka yahay Ilaalinta anshaxa, wakhtiga goobaha lagu
daawado fiidiyooyaasha, shaleemooyinka iyo xafladaha aroosyada.
Lifaaqa hoose kala deg faahfaahinta oo dhamaystiran.
http://www.dalmarmedia.net/wp-content/uploads/2019/10/Agaasimaha-Waaxda-Arimaha-Bulshada-1.pdf
Be the first to comment