Baarlamanka Puntland go,aan kasoo saarey ganacsi ka yimaada Somaliland

Ka dib dood adag oo ay ka yeesheen Gollaha wakiilada Dowladda Puntland sababaha keenay hoos u dhac dhaqaale oo sanadihii u dambeeyay lasoo darsey ilaha dhakhliga ee deegaanada Puntland waxay go,aamo adag kasoo saareen badeecooyin ganacsi oo laga soo dejiyo dekeda Berbera kuwaas oo ka dibna soo gala gudaha deegaanada Puntland.

Baarlamanka ayaa go,aankan u cuskadey asbaab dhawr ah oo ay sheegeen inay fududeynteeda lug ku lahaayeen wasaarado ka tirsan dowladda Puntland,waxayna madasha kalfadhiga baarlamanka ka horjeediyeen khudbado ay ku faahfaahinayaan halista ay leeyihiin badeecooyinka Puntland mudooyinkii u dambeeyay uga imaanayay dhinaca maamulka Somaliland.

Go,aanka baarlamanka Puntland oo noqonaya kii ugu cuslaa abid inta la xasuusto taariikhda dhismaha maamulka Puntland ayaa lagu soo rogay %500 canshuur dheeraad ah lagu soo rogo ganacsiga iyo badeecooyinka kasoo dega dekeda Berbera.

Hoos ka daawo Doodii Baarlamanka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*