Booliska Kenya oo sheegay inay ku raad joogaan rag looga shakisan yahay Al-Shabaab

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Booliska la dagaalanka waxa loogu yeero argagixsadda ay hawlgal ka sameeyeen guri ku yaala deegaanka Nagombeni oo ka tirsan gobalka Kawaale, halkaas oo la tuhunsan yahay inay dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab lagu tababarayey waa sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaha Boliska Kawaale Tom Odera ayaa sheegay in 10 qof oo ku sugnaa gurigaasi ay baxsadaen, balse ay Booliska heleen qalab ciidan oo ay kamid yihiin Tuutaha ciidanka, kabo buud ah, maqaro, buugaag iyo qalab laga farsamayn karo waxyaabaha qarxa waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale waxa uu taliyuhu amar ku bixiyey in la bur buriyo gurigaasi iyo in la baadi goobo xubnaha la tuhunsan yahay inay deganaayeen gurigaasi.

Taliyaha waxa uu saxafaadda u soo bandhigay wax uu ku sheegay qalabkii laga helay guriga ay dhallinyaro Al-shabaab ku tababar qaadan jireen waa sida uu hadalka u dhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*