Booliska Somalia oo ka hadlay qarixii ka dhacay Magalada Muqdisho.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay qaarxii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah geystay ee Maanta barqadii ka dhacay Magalada Muqdisho.

Waxaa ay sheegtay taliya Zakiya in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageen Gaari noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonayay in uu si xoog ah ku maro bar-koontorool ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka Km4,isla markaana ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.

Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen ayay tiri Taliya Zakiya”.

Taliska Booliska Soomaaliya sirasmi ah uma shaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxaas,hayeeshee warar madax banana oo soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in 12 Ruux ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

About Zamiir M Ali 836 Articles
Zamiir Mohamoud is an ambitious, and enthusiastic Media Producer of Dalmar media Group, with vast knowledge and experience in Mass Communication and Media Management in aspects of newspapers, magazines, Radio and television production. Emails: engzamiir@gmail.com Mob: +252 907888582 WhatsApp-number: +252 907888582

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*