BREAK NEWS:Madaxweyne Denni oo hada kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa haatan kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan gollayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garowe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Mudane Denni ayaa daqiiqado kadib faah faahin doona safarkiisa dibadda ee uu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.DALMARMEDIA.NET

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*