Caalamka CaalamkaWararka Diyaarad Dagaal oo ku burburtay Ruushka

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa MIG 29 ayaa ku burburtay Gobalka Astakhan ee Koonfurta dalkaasi Raashiya, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

War qoraal ah oo soo baxay Wasaaradda Difaaca ayaa lagu sheegay inuu duuliyihii Diyaaradda ku geeriyooday Shilkaasi oo shalay ka dhacay dhul Lama-degaanka.

Diyaaradaasi waxaa la sheegay inay burburtay, xilli ay ku jirtay Duullimaad u qorsheysnaa.

Saraakiil ka socday Taliska Sare ee Ciiddanka Cirka ee dalkaasi ayaa loo diray goobta uu shilku ka dhacay, si ay u soo baaraan waxa sababay Burburka Diyaaradaasi.

Labo maalin ka hor ayey ahayd, markii ay Diyaarad Xamuul oo ay Milliteriga Raashiya lahaayeen ku burburtay duleedka caasimadda dalkaasi ee Mosko, iyadoo ay 3-dii Duuliye ee la socday ay wada  geeriyoodeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*