Ciidamada AMISOM oo ka guuraya mid kamid ah xarumahooda ugu weyn ee Muqdisho

Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay iskaga guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho halkaas oo muddo dhowr sano ah ay gacanta ku hayeen.

Masuuliyiin ka kala socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta tagaya Kulliyadda Jaalle Siyaad si ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo halkaasi.

Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxaa ay kamid tahay saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ee ciidamada AMISOM, waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay in ay dayactir ku samaysay maadaama dagaaladii sokeeye ay ku bur bureen dhismayaasha qaar ee Kulliyadda.

Waa saldhigii Saddexaad ee ciidamada AMISOM ay ka guuraan magaalada Muqdisho, waxaana ay hore uga guureen Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*