Ciidamada dowladda oo Muqdisho ku qabtay nin xirnaa dharka Dumarka

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliay ayaa hawgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabtay nin xirnaa dharka Dumarka.

Ciidamada ayaa hawlgalkaasi intiisa badan ka sameeyay nawaaxiga Iskuul Godey isla markaasna gacanta kusoo dhigay ninkaasi oo laga shakiyey.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ninkaasi inta aan la qaban ka hor laga shakiyay, hayeeshee markii dambe ciidamada lagu wargeliyay sidaasna ciidamada ay kusoo qabteen.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in haatan baaritaano lagu wado ninkaas xirnaa dharka Dumarka isla markaasna lagu wareejin doono laamaha amniga.

Inta badan ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa hawlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay xiliyada habeekii ah ka sameeyaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir si loo sugo amniga caasimadda oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni daro ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*