
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka dowladda Itoobiya ay Maanta duqeyn dhinaca circa ah ka geysteen degaanka Qoneey ee Gobolka Gedo.
Degaannada duqeynta ka dhacday ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay la sheegay in ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo waday abaabul ay ku doonayeen inay ugu gudbaan meelo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.
Dadka degaanka Qoneey ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa duqeynta ay geysanayeen Ciidamada Kenya balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.
Degaanka Qoneey ee Gobolka Gedo, ayaa xaduud dhow la leh Gobolka Bakool, waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaaafey dagaalo culus ka dhaceen deegaano xaduudka Bakool iyo Dowlad Degaanka Somaalida kaasi oo u dhaxeeyey ciidamada gaarka ee liyuu Boolis iyo Ururka Al-Shabaab
Be the first to comment