Ciidamada NISA oo la wareegay Madaxtooyada Cadaado & Madaafiic la is waydaarsaday

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug ciidanka NISA qeybta Galmudug ayaa Caawa dagaal kula wareegay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee ku taala magaalada Cadaado.

Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA, waxaa howlgalkan ku wehliyey ciidanka Kumaandoosta Danab qeybta 21aad.

Ciidamo deegaanka ah ayaa muddo sanad ku dhow gacanta ku hayey madaxtooyada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhex galay madaxda Galmudug.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bixisay amarka ciidankeedu kula wareegeen Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*