Ciidamo Cusub oo gaaray Magaalada Boosaaso

Ciidamo cusub oo Boolis ah ayaa Maanta gaaray Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolla Bari, kuwaas oo ka yimid Magaalada Qardho oo uu tababar ugu soo dhamaaday

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku so dhoweeyay Ciidamadaan Cusub Magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayuu taliyaha amray in ay aqoontii ay soo barteen ugu adeegaan Bulshada Gobalka Bari isaga oo u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kaalin muuqata ka qaatay Tayeynta Ciidamada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*