
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhinaca cirka ah oo xalay Saqdii dhexe ay ka fuliyeen Ciidamo Mareykan ah oo ay wehlinayeen Ciidamo Jubbaland deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Gaari uu la socday Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Khaalid Abuukar Xasan.
Sidoo kale weerar labaad ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana lagu dilay 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda.
Dhinaca kale dagaal culus ayaa duleedka degmada Bu’aale waxa uu ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaas, iyada oo lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.
Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin weerarka xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo weerarada noocaas oo kale ah ay inta badan ay fuliyaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.
Be the first to comment