DAAWO Fariin adag oo loo direy doorashada Puntland ee 2019-ka

Xaliimo Puntland waa Hooyo/Abwaanad Soomaaliyeed oo hoddan ku ah curinta suugaanta,waxay ku nooshahay magaalada Garoowe waxayna ku caan-baxdey muddo 20 sano ka badan oo ay murti ku taageereysay dowladnimadda iyo midnimada Puntland,balse nasiib daro indhawayd laguma arkin fagaarayaasha iyo warbaahinta ka dib markii uu lasoo gudboonaadey dhaawac soo gaarey sanadkii 2016-kii.

Wariyaha DALMAR MEDIA Abshir Dhiirrane ayaa ku booqday Maamo Xaliimo hoyga ay ka degan tahay magaalada GAROWE waxayna usoo dhiibtey fariin culus oo ku socota dadweynaha iyo doorashada Puntland ee 2019-ka.

Maamo Xaliimo ayaa baarlamanka Puntland uga digtey inay doortaan hogaamiye laaluush qaate ama bixiya,hogaamiye dibad joog/qurbe joog ah,hogaamiye nafac doon ah IWM,waxayna taas bedelkeeda ugu baaqday inay doortaan hogaamiye wadaniya,difaaci kara dalka iyo dadka,hogaamiye dal jooga oo aan u dhoofeyn dibadaha IWM.

Fariinta ka timid Xaliimo Puntland inaad akhrisato waxaa kaaga muhiimsan inaad daawatid haddaba muuqaalka hoose ka DAAWO.

DALMAR MEDIA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*