DAAWO:-Jeneral Siciid Dheere oo gilgilay doorashada PUNTLAND

Musharax Madaxweynaha Puntland Jeneral Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) soo dhaweyn loogu sameeyay Caasimada dowladda Puntland maalin ka hor waxaa ka qeybgalay boqolaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ka kala yimid buuraha Galgala,Af-urur,Saldhiga Godod iyo Aaga Tuka-raq taas oo ka dhigan inuu noqday Musharax Siciid Dheere shaqsi uga saameyn badtey Musharaxiinta kale iyo Madaxweynaha iminka talada haya taageerada iyo kalsoonida ciidamada qalabka sida xitaa  Taliyihii uu xilka ku wareejiyay bil ka hor Sareeye guud Siciid Dheere.

Musharax Siciid Dheere ayaa noqonaya hogaamiye dardar cusub kusoo kordhiyay tartanka doorashada Puntland,waxaana iminka uu safka horre uga jiraa dadka la hadal hayo inay ugu cadcad yihiin doorashada 18 maalmood ka dib ka qabsoomaysa Puntland.

HADDABA,daawo warbixin aad u xiiso badan oo uu ka diyaariyey Wariye Abshir Dhiirane soo dhaweyntii shalay iyo Siciid Dheere.

Dalmar Media.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*