DAAWO:Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Gambool oo Garowe ka dhigay mudaharaad ay ku dalbanayaan in ay cadaalad hesho Caa’isha Ilyaas

Boqolaal kamid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Gambool oo ku yaala magaalada Garowe ayaa duhurnimadii maanta mudaharaaad ka dhigay barxada weyn ee caasimada Garowe.

Ardayda ayaa mudaharaadayey ayaa dalbaday in ay cadaalad hesho Caa’isha Ilyaas oo si waxashnimo ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Caa’isha oo da’deedu ahayd 12 sano jir ayaa dhiganaysay dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna fasalka Lixaad.

Gudoonka waxbarashada gobolka Mudug Puntland oo maanta booqday dugsiga Salaama ayaa fasalkii gabadha la dilay ka tirsanayd u bixiyey Fasalkii Caa’isha si loogu xasuusto mustaqbalka dambe.

GAROWE banaan bax ka dhan ah tacadiga dumarka.

Posted by Dalmar Media on Tuesday, 26 February 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*