DAAWO:Ciidamadii Gaalkacyo gaadhay oo war cusub kasoo kordhay & Hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka oo bilaabmaya

Ciidamo fara badan ayaa la geeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay magaaladaas ay ka dhaceen falal lido ku ah dhinaca amniga, waxaana hoggaaminaya taliyaha iyo ku xigeenka ciidamada Daraawiishta Puntland.

Ciidamadan oo qaarkood wata gaadiidka dagaalka ayaa dad ku sugan magaalada gaalkacyo waxa ay Puntlandtimes.com u sheegeen in lagu arkayo gudaha magaalada isla markaasna la dajiyey xerooyin gaar ah oo hore loogu diyaariyey.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa soo gaaray maanta ciidamo gaara oo loogu talagalay sugida Amaanka magaaladda.Cidankan waxaa hogaaminaya Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland iyo Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland.

Posted by Dalmar Media on Thursday, 28 February 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*