DAAWO:Dagaal khasaare badan sababay ka dhacay magaalada Tripoli

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyooday 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Libya iyo kuwa General isku dayey inuu afgambi sameeyo.

Wasiirka Caafimaadka dalka Libya Ahmid Omar ayaa khasaaraha dagaalkani shaaca ka qaaday xili uu waraysi siinayey Telefishanka Libya ee Al-Ahrar.

Ciidamada Haftar ayaa la sheegay in ay galeen qaybo kamid ah magaalada Tripoli, kuwaas oo ay kaga geeriyoodeen dagaalkaasi 14 dagaal yahan.

Dagaal xoogan oo dhaxeeyey ciidamada daacada u ah Haftar iyo kuwa dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ayaa axadii ka qarxay meel u dhow magaalada caasimada ah ee Tripoli, waxaana labada dhinac ay sidoo kale is waydaarsadeen duqeymo diyaaradeed maalmo kadib markii Haftar oo taageersan maamul ka dhisan bariga Libya uu kasoo horjeestay dowladda sharciga ah ee dalkaasi isla markaasna ciidamadiisu ay gudaha u galeen caasimada dalka Libya oo dagaaalku kasii soconayo.

Qaramada Midoobe iyo dowladdfa Maraykanka ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, waxaana weli ka taagan gudaha dalka Libya kala qaybsanaan u dhaxaysa shucuubta ku dhaqan dalkaasi tan iyo 2011 oo kacdoono lagu riday madaxweynihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadafi, kadib taageero NATO ay siisay kooxihii kasoo hor jeeday Qadafi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*