DAAWO:Diyaar garowga doorashada gollaha deegaanka Gaalkacyo oo socoto & Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo waraysi siiyey Dalmar Media

Xili maalinta beri ah la filayo in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada duqa degmada Gaalkacyo isla markaasna maanta lagu dhawaaqay liista xildhibaanada gollaha deegaanka Gaalkacyo oo tira ahaan dhan 31 xildhibaan ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiir Dhabancad oo waraysi siiyey Dalmar Media ayaa sheegay in loo balansan yahay maalinta beri ah doorashada duqa degmada Gaalkacyo isla markaasna wasaaradiisa iyo wasaarada Haweenka Puntland ay ku guulaysteen in Qoondo wacan ay ku yeeshaan xildhibaanada gollaha deegaanka Gaalkacyo Haweenku.

Wasiirka ayaa sheegay in 6 xildhibaan ay ku leeyihiin Haweenka Gaalkacyo gollaha deegaanka degmada ayna rajaynayaan in saami wacan ku yeeshaan gollaha dambe.

DAAWO:

Xilli la filayo maalinta beri ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inay ka dhacdo doorashada Duqa degmada, isla markaasna maanta lagu dhawaaqay liista xildhibaanada gollaha deegaanka Gaalkacyo oo tira ahaan dhan 31 xildhibaan haddaba waxaa ka hadlay jawiga doorashadaasWasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad).

Posted by Dalmar Media Services on Sunday, 24 March 2019

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in door wacan ay ka qaateen soo xulista xildhibaanada gollaha deegaanka Gaalkacyo, waxaana uu dhanka kale xusay wasiir Dhabancad in ay dhisi doonaan dhawaan gollayaal kale oo ku yaala deegaanada Puntland.

Mar wax laga weydiiyey wasiir Dhabancad khal khal iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala gollahayaasha Puntland gudahooda ayuu sheegay in xalintooda ay isku hawli doonaan ka wasaarad ahaan isla markaasna golle kasta uu u madax banaan yahay go’aamadiisa u gaarka ah.

Deegaano badan oo kamid ah Puntland ayaa waxaa ka dhici doonta doorashada gollayaasha deegaanka, waxaana maanta doorasho golle deegaan ay ka dhacday degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo loo doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*