
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dilal loogu gaystay maalintii shalay ahayd duleedka deegaanka Yagoori ee gobolka Sool labo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Booliska Somaliland, isagoona tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen.
Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada guud ee Somaliland, waxaana uu eedaymo culus u jeediyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Arrimo ay kamid yihiin dhaqaalaha, amaanka, doorashooyinka kusoo wajahan Somaliland iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliland ayuu ka hadlay Mr. Cirro, waxaana uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay isku naxariistaan maadaama maalmo kooban ay ka hadhsan tahay bisha barakaysan ee Ramadaan.
Be the first to comment