DAAWO:Kooxda Daacish ee Somalia oo sheegtay in dagaalamayaal Ajaaniib ah laga dilay

Muuqaal Video ah oo ay Daacish-ta ka dagaalanta gudaha Somalia soo bandhigeeen ayaa lagu sheegay in dhowr dagaalamayaal haysta dhalasho ajaaniib ah looga dilay dagaalo ka dhacay deegaanada Puntland ee W/bari Somalia.

Wargeyska Long War ee ka soo baxa Maraykanka ayaa soo bandhigay sawiradda dagaalamayaasha ka tirsan Daacish-ta Somalia ee la dilay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

1- Yuusuf Majeerteeni oo haystay dhalashadda dalka Canada isla markaasna ahaa Dhakhtar, balse Daacish ma aysan sheegin goorta la dilay iyo halka lagu dilay.

2- Bashiir Abu Nucmaan

3- Maxamed Makawei Ibraahim Maxamed oo u dhashay dalka Sudan, kaasi oo ay Al-shabaab hore u dileen dabayaaqadii sannadkii 2015-kii.

Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Daacish-ta Somalia ayaa la dilay tan iyo sannadkii 2015-kii sida ka muuqata muuqaalka Video-ga ee ay soo bandhigeen.

Wargeyska Long War waxa kale oo uu qoray in malayshiyada ugu badan ee Daacish-ta Somalia yihiin Soomaalida deegaanka balse waxaa muuqaalka kasoo muuqday dagaalamayaal kale oo u muuqday inay kasoo jeedaan Kilinka 5-aad ee Ethiopia ama dalka Jabuuti.

Dhinaca kale muuqaalka ay Daacish-ta Somalia baahiyeen waxaa ka muuqday dagaalamayaal ku dabaalanaysay iyo kuwo ku ciyaarayey xeebta iyo dhowr kale oo sheegaya inay daacad u yihiin hoggaamiyaha guud ee ururka Daacish Abu Bakar Al-baqdaadi.

Dhamaadka muuqaalka Video-ga ee ay Daacish-ta Soomaaliya baahisay waxaa ka muuqda weerar is qarxin ah oo bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii ka dhacay Hotelka Village Hoteel ee magaalada Bosaaso iyo is qarxin kale oo bishii Maarso ee isla sanadkaasi ayla beegsaday ciidamada amaanka Puntland ee Bosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*