
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo habeenkii xalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyey safaro shaqo oo uu madaxweynuhu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo uu kula kulmay madax kala duwan, safiiro ka socday dalalka Caalamka iyo madaxda dowladd goboleedyada, waxaana uu Mr. Denni si dheer uga xog waramay ujeedka safaradiisii iyo waxyaabaha u qabsoomay intii uu ku sugnaa magaalooyinka Dubai iyo Nairobi.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay in ay ku fashilantay sugida amaanka dalka, waxaana uu tusaale u soo qaatay amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ka dhacaan inta badan qaraxyo iyo weeraro xoogan oo ay gaystaan Al-shabaab.
Khilaafka dowladd goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayuu si gaar ah uga hadlay, waxaana uu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Khayre ay ku tunteen Dastuurka dalka isla markaasna ay leexsatay dowladda dhexe deeqaha Caalamku ugu tala galay Soomaaliya oo uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay kaligeed ku qaadato magaca dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga dalka isagoo tusaale u soo qaatay in ay sugi la’dahay amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya ha hor inta aan la gaarin qeybaha kale ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ka baxsan.
Mr. Denni ayaa sidoo kale xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka tahay wada shaqayn xumada kala dhaxaysa madaxda dowladd goboleedyada oo sida uu sheegay ay maroorsatay dowladdu arrimihii la wadaageen oo aan wax talo ah laga siin gobolada, waxaana uu ka hadlay arimaha Bankiga dhexe oo uu sheegay in qaab khaldan lagu keenay agaasimaha Bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya.
Xaalada dalka iyo deegaanada Puntland ayuu ku dheeraaday madaxweynuhu, waxaana uu sheegay in dowladda Ingiriisku ay ka shaqayn doonto horumarinta dekadda magaalada Bosaaso oo ay haatan gacanta ku hayso shirkadda DP World.
TOOS GAROWE:-Madaxweynaha Puntland oo caawa shir jaraa,iid kula hadlaya warfidiyeenka ayaa ka hadlaya arrimo badan oo la xidhiidha safarkii uu ku tagey Imaaraadka,Kenya iyo Khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.Madaxweyne Denni wuxuu eedeymo culus u jeediyay Madaxda Dowlada Federaalka,halka uu shaaciyay shir ka dhacaya GAROWE 02 bisha May.
Posted by Dalmar Media Services on Saturday, 27 April 2019
Be the first to comment