DAAWO:Qaab noocee ah ayaa loogu soo dhoweeyey Garowe madaxweyne Farmaajo?

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaaana soo dhoweynta madaxweynaha qayb ka ahaa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Denni, qaar kamid ah wasiirada iyo xildhibaanada dowladda.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweyn kadib loo galbiyey dhanka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, waxaana inta uu ku sugan yahay Garowe uu ka qayb gali doonaa madaxweynuhu shirka wada tashiga madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada, kaas oo looga hadli doono arimo badan oo ay kamid yihiin xaalada dalka iyo xal u helida khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyey Garowe maalintii shalay ahayd, waxaana iyaguna inta badan xaadir ku ah magaalada madaxda dowladd goboleedyada kuwaas oo lagu soo dhoweeyey caasimada Puntland ee magaalada Garowe.

Qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta ayaa inta badan muran uu ka taagan yahay maadaama Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ay saluug ka muujiyeen meel marintii sharciga doorashada dalka oo ay ansixiyeen wasiirada dowladda Soomaaliya Khamiistii lasoo dhaafay.

Amaanka Garowe ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana maalinta berri ah bilaaban doona shirka wada tashiga madaxda dowladda dhexe iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Toos Garowe

TOOS GAROWE:- Madaxweynaha Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Caasimadda PUNTLAND.

Posted by Dalmar Media Services on Saturday, 4 May 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*