DAAWO:Shir u dhaxeeya Wasiirada Amniga dowladd goboleedyada oo Garowe ka dhacay

Shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda Amniga ee dowladda Puntland isla markaasna ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah wasiirada Amniga dowladd goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa lagaga hadlay arimo badan oo ku aadan dhanka amaanka, waxaana qodobadii laga soo saaray shirkani oo ka dhacay xarunta wasaaradda Amniga Puntland warbaahinta la wadaagay wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Shir-tag.

Wasiir Shir-tag ayaa sheegay in dhowrkii biloodba wasiirada Amniga dowladd goboleedyadu ay ku kulmi doonaan caasimadaha, waxaana qodobadii kasoo baxay shirka kamid ahaa in meel looga soo wada jeesto ururka Al-shabaab oo dagaal xoogan kala soo horjeeda ciidamada dowladd goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dib u celinta dambiilayaasha falalka kala duwan ka gaysta deegaanada qaarkood ayaa qayb ka ahaa qodoboda shirka, waxaana dhamaantood wasiiradii kasoo qayb galay shirkani ay isku af garteen qodobadii kasoo baxay.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirada Amniga Galmudug iyo Hir-Shabelle Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim iyo C/qaadir Aadan Jeelle oo dhankooda soo dhoweeyey qabsoomida shirkani iyo qodobadii kasoo baxay, iyagoona sheegay in ay sii xoojin doonaan wasaaradoohu ka hortagida weerarada Al-shabaab ay soo qaadaan inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO

Shir ay yeesheen Qaar ka mida Wasiirada Amniga Dawlad goboleedyada oo Garowe ka dhacay

Posted by Dalmar Media Services on Tuesday, 7 May 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*