DAAWO:Shirka Kalluumaysiga Soomaaliyeed oo Garowe ka furmay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb-galeen Wasiirada Wasaaraddaha Kaluumaysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS.

Shirkan oo ay maal galiyeen Ganacsato reer Puntland ah ayaa waxaa lagu dhiiri kalinayey ganacsiga kalluumaysiga iyo kalluumaysatada Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Africa loona baahan yahay in laga faa’iideysto khayraadka ku jira.

Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda khudbad muhiim ah ka jeediyey ayaa ganacsatada Puntland ku dhiiri galiyey horumarkan ay ka sameeyeen Kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

“Runtii sharaf wayn bay Puntland u tahay, shirkaan noocaan oo kale ah inuu qabsoomo, maxaa yeelay waa iftiin horleh oo dadka Soomaaliyeed uga gudbayaan marxaladdii ku dul noolaanshaha dadka kale oo ay u gudbayaan inay iyagu la soo baxaan noloshooda, horumarkooda ganacsi ka shaqeeyaan, mustaqbalkooda ay iftiimiyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Deni.

Toos Garowe

Toos Garowe:-Shirka Kalluumaysada Soomaaliyeed oo ka furmay GAROWE.

Posted by Dalmar Media Services on Monday, 29 April 2019

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*