
Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Puntland, waxaana soo dhoweyntiisa Generalka maanta ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca, masuuliyiin iyo dad aad u tira badan.
Musharaxa ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Garowe kula hadlay dad weyne aad u tira badan Barxada magaalada Garowe, waxaana uu ka xog waramay waxyaabaha ku dhaliyey in uu isu soo taaga xilka madaxtinimada.
Baahiyaha ka jira deegaanada Puntland ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono, waxaana uu si gaar ah xooga u saaray dhanka amaanka iyo dhaqaalaha oo uu sheegay in la hadii la doorto uu wax badan ka qaban doono.
Musharaxa ayaa sidoo kale qudbadiisii maanta kaga hadlay arimo badan oo muhiim ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu da’da yaraa ee u soo istaaga qabashada xilka madaxtinimada Puntland.
Be the first to comment