
Waxaa gaadhay furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Sanaag ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland, saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda oo maalmihii ugu dambeeyey safaro kala duwan ku marayey qaybo kamid ah goboladda Sanaag iyo Hayland.
Deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayey gaadheen ciidamadu, waxaana safarkooda ku wehelinayey wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal iyo saraakiil ciidan kuwaas oo kaga dhawaaqay deegaanka Yubbe in aysan u dulqaadan doonin duulaanka Somaliland.
Saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag oo madaxda la hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin difaacida deegaanadooda isla markaasna ay dagaal xoogan kala hor tagi doonaan ciidamada Somaliland ee duulaanka kusoo qaaday gobolka Sanaag.
Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa haatan isku hor fadhiya deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, waxaana laga yaabaa in xiisad dagaal ay ka dhex qaraxdo ciidamada Somaliland iyo Puntland oo kuwada sugan deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag.
Jiddaha hore ee Degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag oo ay isku Hor-fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo Ciidamo ka amar-qaata Maamulka Jeegaanta ayaa waxaa manta boqdey Wafti ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Puntland.Tabiye;- Sharma'arke Dal-daare
Posted by Warbaahinta Dawladda Puntland PLTV on Thursday, 21 March 2019
Be the first to comment