DAAWO:Wasiir Goodax Barre oo ka hadlay sababaha ka dambeeyey go’aanka kasoo yeeray P/land

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in sanadkan Puntland aysan ka qayb gali doonin imtixaannaadka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka qaadi doonto ardayda ka baxaysa dugsiyada sare ee ku yaala dalka, kadib dood dheer oo ka dhex dhalatay labada dhinac sida uu sheegay wasiirku.

Waxa uu sheegay Mr. Goodax in Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay ka dhaxayso dood dheer taas oo keentay in Puntland ay diido ka qayb galka imtixaanka, isagoona uga digay arintaasi waalidiinta iyo ardayda oo uu sheegay in ay dhibaato ku keeni doonto.

Madaxda Puntland ayuu sheegay in uu ugu baaqay in ay ka fiirsadaan go’aanka kasoo baxay, isagoona xusay in ay lama huraan ay tahay isku tanaasul iyo in la dhameeyo wax walba oo ka dhaxeeya labada dhinac.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland wasiir Goodax oo waxbarshada uqaabilsan dowlada fadaraalka ah ee Magaalada muqdisho fadhigeedu yahay ayaa Yiri Puntland waa diiday imtaxaankii Guud inay ka qeeyb gasho.Goodax ayaa abuuray khilaaf horle oo ka aloosma Puntland iyo dowlada dhaxe .

Posted by Dalmar Media Services on Wednesday, 17 April 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*