DAAWO:Xaawo Cabdullaahi Ciise oo madaxweynaha Puntland baaq cadaaladd doon ah u diray

Xaawo Cabdullaahi Ciise oo ku nool magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa cabasho ka muujisay qaab ay sheegtay in ay ula dhaqantay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal u xukmisay oo gacanta ku haysa kiis salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya haweeneydan iyo dad kale.

Xaawo oo maanta warbaahinta kula hadashay gudaha Garowe ayaa sheegtay in ay dacwad gaysatay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, kadib markii dad kale ku habsadeen dhul ay leedahay balse maxkamaddu ay hantidaas u xukuntay dadkii kale iyadana xabsi la dhigay.

Haweeneydan oo lug naafa ka ah ayaa sheegtay in ay caddaala daro ku samaysay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, waxaana ay codsi u dirtay masuuliyiinta Puntland oo ugu horeeyo madaxweynaha Puntland.

Daawo

Xaawo Cabdulaahi Ciise oo ah haweeney ku nool magaalada Garoowe ayaa cabasho ka muujisay xukunada maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ka dib markey sheegtay inay u garqaadey dacwad ku saabsan muran hanti dhuleed oo u dhaxeysay iyada iyo qof kale.Xaawo oo maanta saxaafadda kula hadashay Garoowe, ayaa sheegtay inay ku habsadeen dad kale hanti-dhul oo ay sheeganayso,balse maxkamaddu ay u xukuntay dhankii kale iyadana xabsi la dhigay.Xaawo oo ah haweeney lug naafo lug ka ah, ayaa u sheegtay warbaahinta muddo ka badan bil inay si silic leh ugu xirneyd saldhiga dhexe ee Garoowe.Haweeneydaan waxay baaq u dirtey madaxda dowladda Puntland,Gollaha Baarlamanka iyo Wasiirka Cadaaladda,Arrimaha diinta iyo Awqaafta Puntland.

Posted by Dalmar Media Services on Sunday, 24 March 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*