Dab ka kacay Bakhaar hubka lagu kaydiyo oo ku yaala deegaan ka tirsan G. Mudug

Wararka lag helayo deegaanka Docol ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dab goor dhowayd uu ka kacay Bakhaar hubka lagu kaydiyo oo ku yaala deegaankaasi.

Deegaanka Docol ayaa qiyaastii 40 KM u jira magaalada Gaalkacyo, waxaana haatan socda gurmad ku aadan sidii dabkaasi loo demin lahaa iyada oo ay wadaan maamulka deegaanka iyo bulshada.

Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in dabka uu ka dhashay koronto isla markaasna qayb kamid ah Bakhaarka uu haatan gubayo walow faah faahino dheeraad ah oo intaasi ka baxsan aan weli laga helin.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco DALMAR MEDIA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*