Dad lagu laayey deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose

Wararka laga helayo deegaan hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu gowracay laba ruux oo waday gaari raashin u siday magaalada Marka.

Labada ruux ayaa waxa ay wadeen laba gaari oo lagu jiidayay dibi, kuwaas oo raashin u siday magaalada Marka hayeeshee markii ay marayeen deegaanka Buulo Dhurrow oo u dhaxeeya degmada Janaale iyo deegaanka Buufoow ay kooxo hubaysan gacanta ku dhigeen.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay labada qof qabsadeen kadibna ay gowraceen.

Al-Shabaab ayaa horay u mamnuucay in gudaha magaalada marka aysan gali karin gawaari raashin wada, waxaana arrintan loo aaneynayaa inay ka dambaysay amarkii ay horay u soo saareen waxaana magaalada Marka gacanta ku haya ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose iyo kan degmada Marka oo aan la xiriirnay ayaanan ka jawabin taleefoonadeena si aan wax uga weydiino dilka labada ruux loogu gaystay deegaan hoostaga magaalada Marka ee xarun goboleedka Shabellaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*