Dadka lagu arkay Cudurka Ebola dalka Kenya oo kordhay

DalmarMedia.Net(Kenya)- Ilaa sadex ruux ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii dadkaasi looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebolo, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Isbitaalka magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee Kericho.

Sayga qofka dumarka ah ee lagu arkay calaamadaha cudurka iyo labo qof oo kale ayaa habeenkii Axadda la gaarsiiyay Isbitaalka.

Dr Shadrack Mutai, oo ah madaxa qeybta caafimaadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen tilaabooyin ay uga hortagi karaan calaamado loo malaynayo inay yihiin kuwa cudurka Ebolo.

Deegaanada laga soo sheegayo in lagu arkay cudurka Ebole ee Kenya ayaa xaduud dhow la leh dalka Uganda oo maalmihii la soo dhaafay dhowr qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Ebola, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada cudurkaasi uu sababay ay sii kororto dalka Uganda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa khuburo dhanka caafimaadka ah u dirtay Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan sadexda ruux ee sida looga shakisan yahay inay qabaan calaamadaha cudurka.

Sidoo kale qeybta Adeega baaritaanka Dawooyinka ee Dowladda Kenya oo iyaguna tibaajabo ka qaaday dhiggaga dadkaan ayaa la filayaa in jawaabtooda ay soo saaraan saacadaha soo socda.

Maalintii Axadda ayay ahayd markii Isbitaalka Siloam loola cararay qof Haweeneey ah oo ka soo safarta magaalada Malaba ee Ismaamulka Busia ee dhanka Bari ee xuduuda Kenya iyo Uganda taasoo markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka magaalada Kericho.

About Zamiir M Ali 836 Articles
Zamiir Mohamoud is an ambitious, and enthusiastic Media Producer of Dalmar media Group, with vast knowledge and experience in Mass Communication and Media Management in aspects of newspapers, magazines, Radio and television production. Emails: engzamiir@gmail.com Mob: +252 907888582 WhatsApp-number: +252 907888582

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*