Dagaal ka dhacay gudaha caasimada & Israsaasayn dhex martay Ciidamada dowladda Iyo Kooxo hubaysan

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi caawa ay israsaaseyn ku dhex martay ciidanka Booliska dowladda iyo kooxo hubeysan.

Dad ku sugan Isgoyska Siinaay oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in ciidamada marka hore ay ka shakiyeen gaari ay wateen kooxda hubeysan isla markaana intaasi kadib ay labada dhinac isdhaafsadeen rasaas xoogan oo muddo socotay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaastaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku caweeynayay maxaaqiyo ku yaalla halkaasi, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadja deg deg ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowlada Soomaaliya gacanta ay ku dhigeen gaarigii ay wateen kooxdii hubaysanayd isla markaasna waxaa looga shakiyay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la xaqiijin karin.

Isgoyska Siinaayay ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa isku gadaamay ciidamada Booliska Soomaaliya, iyagoo halkaas xiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*