
Dalka Sri Lanka ayaa haweenka ka mamnuucay inay Indho-shareerka ku xirtaan goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan xilli dalkaasi ay gilgileen weeraradii lala beegsaday Kaniisado iyo Huteelo oo ay ku dhinteen ugu yaraan 250 qof halka boqolaal qof ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Sri Lanka, Maithruipala Sisirsena ayaa sheegay in labis kasta oo saameyn ku yeelan kara aqoonsiga wajigga qofka la mamnuucay si loo sugo amniga dalkaasi.
Toddobaadkii lasoo dhaafay,xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sri Lanka ayaa soo jeediyay in haweenka dalkaasi laga mamnuuco in aysan ku labisan Niqaabka sababo ammaan darteed.
Ururka midowga culimada ee Ceylon Jamiyyathul Ulama ee ka dhisan Sri Lanka ayaa ka codsaday haweenka in aysan xiran Indho-shareerka.
Dalka Sri Lanka ayaa waxaa ka socda howlgallo ballaaran oo ay wadaan laamaha amniga dalkaasi.
Be the first to comment