Dawladda Puntland oo aqoonsiyo cusub u samaysay guud ahaan shaqaaleheeda

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Dowladda Puntland ayaa wareejisey wejigii koowaad ee kaararka aqoonsiga shaqaalaha dawladda Puntland oo gaaraya 2000 oo aqoonsi oo ay Wasaaraddu daabacday.

Kaararkaan la daabacay ayaa waxay ay yihiin xogtii hore ee la diiwaan geliyey sannadkii 2017kii xilligaas oo la sameeyey tiro koobka shaqaalaha dawladda Puntland iyadoo sagaalka gobo lee Puntland ay tageen kooxo ka socda Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha kuwaas oo hubinayey shaqaalaha saxda ah ee dawladda.

Ujeedada aqoonsiyadaan ayaa ah in shaqaalaha dawladda oo dhammi ay leeyihiin aqoonsiyo mideysan oo midwaliba uu leeyahay calaamad ama lambar u gaar ah xogta shaqsi kasta oo kamida shaqaalaha lambarkaas oo noqonaya mid uu gaar  uleeyahay shaqaalahaasi oo xataa haddii la dallacsiiyo uu qofku wadan doono lambarkaaga u gaarka ah.

Sidoo kale kaararkaana ayaa waxay fududayn doonaan in qofka shaqaalaha ahi uu mushaharkiisa ku qaadan doono oo marka la dhaqan geliyo ay uu qofku ku khabanaan doono in uu baanka la aado si uu ugu soo qaato mushaharkiisa.

Dhowaanna waxaa la rajeynayaa inay bilaabato wejigii labaad ee aqoonsiyada shaqaalaha dawladda ee dhiman iyadoo Meesha laga saari doono shaqaalihii shaqada banneeyey muddadii u dhexaysey labada tiro koob, waxayna arrintaani kamid tahay ballanqaadkii madaxweynaha ee tayayn iyo tiigsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*