DEG DEG:Madaxii Shirkada DP World oo goor dhoweyd lagu dilay Boosaaso

Warar ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay madaxii shirkada DP World ee dekeda Boosaaso.

Paul Anthony Fermosa ayaa xafiiskiisa lagu dilay, waxaana dilkaas ka dambeeyay nin hubaysan kaasi oo  ka tirsanaa iskaashatada Kalluumaysiga gobolka Bari.

Masuuliyiin  ka tirsan Puntland ayaa warbaahinta u sheegay  in sarkaalka uu ku dhintay cisbitaal ku yaala magaalada Boosaaso oo dhaawac ahaan loo geeyey.

Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen ninka dilka gaystay oo isagaba ku dhaawacmay rasaas ilaalada dekedu ku fureen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay madaxii shirkada DP World ee dekeda Boosaaso, balse wararku waxay sheegayaan in ninka wax dilay uu kamid ahaa koox Kalluumaysato ah oo ka caraysanaa madaxii shirkada DP world ee dekeda Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*