DEG DEG:Qarax sababay khasaare oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax uu hada ka dhacay magaaladaasi Boosaaso gaar ahaan nawaaxiga Hotel Jubba sida ay sheegeen goob joogayaal ah.

Qaraxan ayaa lala beegsaday gaadhi xaajiyad nooca loo yaqaan HILUX oo maraysay jidka Hotel Jubba ee magaalada Boosaaso, taas oo uu leeyahay gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo xiliga qaraxu dhacay isagu aanan la socon sida la sheegay.

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ilaalada gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Bosoosaaso si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Laamaha amniga gobolka Bari ayaa haatan wada baadhitaano ku aadan qaraxaasi iyo cida ka dambaysa.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka goob mashquul badan oo lagu magacaabo Israac oo ay ku yaalaan goobo badan oo ganacsi ayaa waxaa qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay gudaha magaalada Boosaaso, waxaana goobta qaraxaasi ka dhacay gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka kuwaas oo xidhay dhamaanba isu socodka gaadiidka iyo dadka oo xiligani baadhitaan lagu wado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*