DEG DEG:Qarax xoogan oo hada ka dhacay Muqdisho & Faahi faahin kasoo baxaysa

Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolkan Banaadir.

Warar hordhac ayaa sheegaya in qaraxaani uu yahay mid gaari lagu xiray isla markaana uu ka dhecay meel u dhow daarta MBC oo u dhow Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho oo amaankeedu sii xumaanayey.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa laba ruux ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya kuwaas oo xiray aaga goobta uu qaraxa gaari ka dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*