DEG DEG:Qarax xoogan oo hada ka dhacay Muqdisho & Khasaare ka dhashay

Qarax gaari ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxaasi oo ahaa mid culus si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhigga degmada Xamar weyne iyo Muqdisho Mall, waxaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed, waxaana hada socda gurmadka loo sameynayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxaasi.

faah faahinta kala soco WWW.DALMARMEDIA.NET

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*