DEG DEG:Ragii loo hayey kiiskii Caasha Ilyaas oo xukun lagu riday

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaqay go’aanka Maxkamada ee ku aadan kiiska Caasho Ilyaas Aadan.

Waxaana 3 Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah. Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*