DHAGAYSO:Dagaal sababay Dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Galaadi

Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa ku geeriyootay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaanka Galaadi oo hoos taga degmada Wardheer ee gobalka Doolo ee dowladd deeganka Soomaalida Ethiopia.

Qof goob jooge ah ayaa Dalmar Media u sheegay in dagaalka badankiisa hada uu istaagay hasa yeeshee la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa furimaha iyo jiidaha ay isku hor fadhiyaan labada malayshiyaad beeleed oo ah duleedka deegaanka Galaadi, isagoona xusay in dhaawacyada intooda badan loo qaaday degmada Wardheer si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu deegaank ka socda hub urursi xoogan oo u dhaxeeya labada dhinac oo mid walbaaba dhankiisa kawado, taas oo dagaal kale sababi karta.

Beelaha dagaalamaya ayaa waxaa soo kala dhex galay ciidamo ka socda dowladd deegaanka Soomaalida iyo masuuliyiin kala duwan si xal looga gaadho dagaalkaasi, waxaana socda qorshe lagu kala dhex galayo labada malayshiyaad beeleed.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*