DHAGAYSO:Deegaano ka tirsan gobolka Nugaal oo xaalad biya la’aan ah laga soo sheegayo

Xili xaalado adag iyo abaaro xoogan ay ka jiraan deegaanada Puntland ayaa waxaa xaalad biya la’aan ah laga soo sheegayaa qaybo kamid ah gobolka Nugaal.
C/risaaq Axmed oo sheegtay in uu yahay afhayeenka reer Guuraaga oo waraysi siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in xaalad biya la’aan ah ay haatan ka jirto deegaano badan oo ka tirsan gobolka Nugaal, kadib abaar xoogan oo ka dhacday dalka.
Waxa uu sheegay in uu jabay ceel ku yaalay deegaanka Awr Culus ee gobolka Nugaal kaas oo ay ka cabi jireen dadka reer guuraaga ah iyo xoolaha nool, waxaana uu ugu baaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi iyo Hay’addaha samafalka in ay gurmad lasoo gaadhaan deegaanada ay xaalada biya la’aanta ahi ay ka jirto oo Booyadii biyaha ah ay qiima ahaan xiligani ka marayso 400 oo Dollar.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*