DHAGAYSO:Gudoomiye ku xigeenka amniga G. Banaadir oo faah faahin ka bixiyey sababta loo ururinayo Mootooyinka Fekonka ah

Kadib markii maalintii shalay ilaa habeenkii xalay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir  ay ciidamada amaanku ay kawadeen hawlgalo lagu aruurinayay Mootooyinka Fekonka loo yaaqaano oo ay ka xeeyaan dhalinyarada  Soomaaliyeed ee shaqa abuurka ka dhigtay ayaa saldhigyada ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir waxaa haatan ku sugan Boqolaal Mootooyin ah iyo darawaladoodii oo cabasho ka muujinaya hawlgalkaasi.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Warta Nabada ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey sababta ka dambaysa arintaasi iyo waxyaabaha ka dambeeya ururinta Mootooyinkaasi Fekonka loo yaqaano.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*