DHAGAYSO:Jubbaland oo hadashay ciidamada Kenya ee ka baxay gobolka Gedo

Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu markii ugu horaysay ka hadlay ciidamada Kenya ee ka baxay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland uu aad ugu xun yahay ciidamada Kenya ee ka baxay deegaanka Fax Fax dhuun ee gobalka Gedo isla markaasna waxa uu tilmaamay in shacabka xilligan ay cabsi badan ay soo wajahday taas oo uu sheegay in ay dhibaato la kulmi karaan ururka Al-shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxa uu dowladda dhexe iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay xal u helaan shacabka ku dhaqan deegaanka Faxfaxdhuun ee gobalka Gedo, isagoona sheegay in shacabkaasi ay dhibaatooyin badan kala kulmi karaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaankaasi la wareegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*