
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen xubno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanka, maamulka degmada Cadaado iyo masuuliyiin ka socotay qaar kamid ah degmooyinka Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado, waxaana intii uu socday war saxaafadeed shalay kasoo baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka kaas oo xisbigu uga hadlay xaalada Galmudug.
Sidoo kale xubnaha kulankan yeeshay ayaa soo dhoweeyey warka kasoo baxay xisbiga oo ahaa hab raaca dooraashooyinka maamul goboleedyada ee kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana markii uu soo dhamaaday kulankaasi saxaafada la hadlay Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi oo kamid ah Baarlamanka Galmudug.
Be the first to comment