
Gudoomiyaha gobolka Kar Kaar Maxamed Barre Caato oo waraysi siiyey Dalmar Media ayaa ka hadlay xaalado abaareed oo ka jira gobolka Kar Kaar, waxaana uu sheegay gudoomiyuhu in xaalado isugu jira biya la’aan iyo nafaqo daro ay ka jiraan gobolkaasi kuwaas oo ay sababeen a abaaraha ku dhuftay dalka.
Deegaanada qaarkood ayuu sheegay in qiime sare ay ku helaan dadka iyo duunyada ku noolba biyaha la cabo, kadib markii ay gudheen baraago badan oo biyaha laga cabi jiray isla markaasna xoolaha ku nool gobolka la siiyo raashinkii ay dadku cuni lahaayeen daaq la’aan awgeed.
Hadal kasoo yeedhay gudoomiyaha degmada Badar Bayla ee gobolka Kar Kaar oo ku salaysnaa in wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ay musuq maasuqday baco biyaha lagu kaydsado oo loogu tala galay dadka ku nool degmada Badar Bayla ayaa ku jawaabay gudoomiye Caato, isagoona ku eedeeyey gudoomiyaha degmada Badar Bayla in uu xoog maroorsanayo talada gobolka.
Be the first to comment