DHAGAYSO:Maamulka Jubbaland oo amaro cusub soo saaray

Magaalada Kismaayo ee caasimadda dowladd goboleedka Jubbaland ayaa waxaa kulan ku yeeshay guddiga amniga Jubbaland, iyagoo kulanka kadib soo saaray amaro cusub.

Kulanka ayaa waxa inta uu socday waxaa looga hadlay amniga deegaanada Jubbaland,isla markaana Guddiga amniga amaro ka soo saaray gaadiidka aan sharciga lahayn.

Sidoo kale amarka ayaa waxaa kamid ah sharciga lahaanshiyaha taarikada iyo warqada wada marista iyo in ay Darawaladu ay leeyihiin Kaararka Aqoonsiga.

Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen oo ah afhayeenkan wasaaradda amniga Jubbaland oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la arki karin gaadiid aan sharci lahayn isla markaasna gaadiidlayda waxa uu ugu baaqay kuwo aan lahayn sharci in ay samaystaan.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Guddiga amniga dowladd goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in amniga magaalooyinka waa weyn ee Jubbaland aad loo adkeen doono maadaama ay fooda nagu soo heyso Bisha barakaysan ee Ramaadan oo ay naga xigaan maalmo qura.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*