DHAGAYSO:Madaxweyne Denni oo faah faahin ka bixiyey safarkiisa Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd safarkii ugu horeeyey ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Denni ayaa waxaa socdaalka Imaaraadka ku wehelinaya xubno ka tirsan maamulkiisa isla markaasna waxaa garoonka diyaaradaha Garowe kusii sagootiyay madaxda sare ee Puntland.

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha Puntland markii uu gaaro dalka Imaaradka Carabta uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalkaasi, isagoona kala hadli doona arrimo ay kamid yihiin taageerida Puntland ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Saciid Denni Imaaraadka Carabta  uu kaga soo gudbi doono dalka Shiinaha, waana safarkii ugu horeeyay ee madaxweynuhgu ugu amba baxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*