DHAGAYSO:Muuse Biixi oo xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaano kamid ah gobolka Sanaag

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray in xaalad deg deg ah uu kusoo rogay degmooyinka Gar Adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo oo dhamaantoodba kawada tirsan gobolka Sanaag muddo saddex bilood ah, waxaana ujeedka xeerkani uu ku sheegay Muuse Biixi in uu salka ku hayo xaaladaha kala duwan ee ka jira gobolkaasi Sanaag oo ay ka jiraan colaado deegaano kamid ah kuwaas oo halis ku ah ayaa lagu yidhi xeerkani uu soo saaray Mr. Biixi nabadyada guud, jiritaanka iyo dastuurka Somaliland.

Ciidammada Somaliland ayaa lagu faray xeerkani uu soo saaray madaxweyne Biixi in ay qaadaan talaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga kagana hortagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad galyo daro ah si looga hortago khataro amaan iyo dagaalo ka dhaca gobolka Sanaag oo marar kala duwan ay ku dirireen beelaha wada dega qaarkood, waxaana warbaahinta ka hor akhriyey xeerkani afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*