DHAGAYSO:Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo baaqyo kala duwan u diray Gaas & Camay

Kadib markii maalmihii ugu dambeeyey cirku isku sii shareerayey khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay isla markaasna muddo kooban ay ka hadhay doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay qaar kamid ah dadka aqoonta u dheer u leh dhismaha Puntland.

Siciid Cilmi Maxamuud (Qarbi) oo kamid ah shakhsiyaadkii soo taagnaa tan iyo dhimsihii dowladda Puntland oo maanta nagu soo booqday Radio Garowe ayaa baaqyo kala duwan u jeediyey xildhibaanada Baarlamaanka Puntland iyo madaxda ugu sar saraysa Puntland, waxaana uu xildhibaanada ugu baaqay in ay doortaan shakhsi daacad ah isla markaasna aanan Qurba joog ahayn.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO

Siciid Qarbi ayaa dhanka kale ugu baaqay madaxweynaha Puntland in uu ku qabtay doorashada madaxtinimada Puntland wakhtigeeda, halka uu faray madaxweyne ku xigeenka Puntland in uusan noqon shakhsi qayb ka noqda bur burka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*